Wada-hadallada Xukuumadda Somaaliland & mucaaradka oo Maanta sirasmi ah u billaawday

Wada-hadallada Xukuumadda Somaaliland & mucaaradka oo Maanta sirasmi ah u billaawday

Waxaa maanta si rasmi ah Xarunta madaxtooyada Somaliland ee Magaalada Hargeysa uga bilawday wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Shirkaasi oo ku furmay jawi wanaagsan, goob-joogna ay ka yihiin labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada a Somaliland, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Advertisement –

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxeyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa furay Shirka, iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi qaran, intaa ka dib waxa dhinac-walbaaba uu soo jeediyey doodda uu qabo, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha Xukuumadda, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeenka.

Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo ka kala socda saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com