Kenya oo xukun ku riday Mas’uuliyiin lagu helay musuq maasuq

HomeWararka

Kenya oo xukun ku riday Mas’uuliyiin lagu helay musuq maasuq

Maxkamadda dalka Kenya ayaa Maanta waxaa ay xukun xabsi 12 sano ah ku riday madaxii hore ee waaxda maaliyadda Jimmy Kiamba iyo xoghayihii maamulkii ba

Xildhibaanada Aaranjaan oo matalaya Xasan Sheekh iyo Somaliland oo Laascaanood isugu yimid dajinta qorshe cusub
Madaxweyne Xaaf: “Waxaa soo ifbaxaya in Madaxweyne Farmaajo … faragalin qaawan uu ka wado deegaanada Galmudug (war murtiyeed)
Sheeko Gaaban: Guuldarro Jacayl God ma loo Galaa! (Taxanaha 4aad – maqal & muuqaal)

Maxkamadda dalka Kenya ayaa Maanta waxaa ay xukun xabsi 12 sano ah ku riday madaxii hore ee waaxda maaliyadda Jimmy Kiamba iyo xoghayihii maamulkii barasaabkii koowaad ee Nairobi Evans Kidero oo lagu magacaabo Lilian Ndegwa.

labadaan mas’uul ayaa Maxkamadda dalka kenya waxaa ay ku heshay kiis la xiriira musuq maasuq ay ku kaceen intii ay xilalka hayeen taas oo la ogaaday markii baaritaano lau sameeyay.

Garsoore Esther Maina ayaa sheegtay in Mr. Kiamba iyo Ms Ndegwa ay u furan tahay inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 9.6 milyan oo shilin, waxaana sidoo kale Waaxda dacwad oogidda ay sheegtay in intii uu Kidero hoggaaminayay Nairobi , qandaraasyo la bixiyay lagu lumiyay 18 milyan oo shilin.

Dadwqeynaha dalka kenya iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa soo dhaweeyay xukunka lagu riday labadaan mas’uul,iyaga oo sheegay inay feejignaan muujin doonaan mas’uuliyiinta kale ee xilalka ka haya dowladda kenya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: