Wacaal darey ah: Wariyayaasha Puntland oo loo diiday in ay tabiyaan munaasibada dhaarinta Wasiirada

Wacaal darey ah: Wariyayaasha Puntland oo loo diiday in ay tabiyaan munaasibada dhaarinta Wasiirada

Warbaahinta madaxa banaan ee Puntland ayaa maanta waxaa loo diiday in ay galaan oo ay baahiyaan munaasibadii lagu dhaarinayay Golaha Wasiirada ee Puntlnad.

Arintan ayaa waxa ay filan waa ku noqotay wariyayaasha  ka howlgala magaalada Garoowe ee caasimada Puntlnad, mana cada ilaa iyo haatan sababta loogu diiday Saxaafada madaxa banaan in ay tabiyaan wararka dowladda .

Xukuumadii tan ka horaysay ee madaxweyne Cabdiwali Cali Gaas wariyeyaasha ayaa si wada jir ah utabin jiray wararka dowladda, mana jirin wax takoor ah oo ay kala kulmi jireen shaqadooda .

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Mohamed 2 months

    Waa arin ugub ku ah dawlad goboleedka puntland in saxaafada la caburiyo saxaafada puntland ___
    Waana canbaaraynaynaa caburinta lagu hayo saxaafada puntland ___
    Waxaana dawladda cusub ugu baaqaynaa inay ka digtoonaato caburinta saxaafada madaxa banaan___