Qarax gaari oo muqdisho ka dhacay

Gaari ay leeyihiin Ciidamada Booliska ee ka howlgala degmooyinka Muqdisho ayaa saaka lagu qarxiyay Xaafada Sey Biyaano, kaddib markii lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Qaraxa oo ahaa Miinada nooca dhejiska ayaa lagu xiray gaari yar oo ah nuuca loo yaqaano Kaarib oo ay leeyihin Ciidamada booliska, kaasoo ay ku buufsantahay Astaanta Ciidanka, iyadoo qaraxa uu ku geeriyooday Wadihii gaariga oo ahaa Askari ka tirsan Ciidamada degmada Hodan.

Gaariga qaraxay ayaa waxaa la sheegay inuu lahaa Sarkaal ka tirasan ciidanka Booliska, iyadoo la sheegay inuu ka badbaaday qaraxa.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada dambi baarista ay su’aalo weydiinayaan Sarkaalka lahaa gaariga la qarxiyay iyo sida ay ku suurta gashay in waxyaabaha qarxa lagu xiro gaari booliska leeyihiin.

Taliyayaasha Ciidamada booliska oo shir la isugu yeeray dhowr bilood ka hor Saraakiisha Ciidamada ayaa u sheegay inuu xabsi muteysan doono Sarkaalkii gaarigiisa la qarxiyo, iyadoo loo heysanayo dambiga ah inuu dayacay gaarigiisa.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com