Wacaal Darey ah: Koox hubaysan oo Bosaaso ku weerartay Askar

Wacaal Darey ah: Koox hubaysan oo Bosaaso ku weerartay Askar

Isgoska Nedko ee magaalada Bosaaso ayaa caawa fiidiin rag hubaysan waxa ay tacshiira ku fureen Gaari yar oo nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada Daraawiishta Puntland ee deegaanka Laag ee gobolka Bari.

dhaawaca labadan askari ayaa waxaa loo qaaday isbitaalka Bandarqaasim ee magaalada Boosaaso halkaas oo uu ku geeriyooday mid kamid ah.

lama oga sababta ragan loo beegsay iyo cida ka dambaysay falkan ilaa iyo haatan.
Amaanka magaalada Bosaaso ayaa aad loo adkeeyay maalmihii udambeeyay, kadib markii ay Ciidamada amniga ay joogteeyeen howlgalada ay ka wadeen xaafada Bosaaso.

Dilalkii horay uga dhici jiray magaalada Bosaaso ayaa waxaa sheegan jiray kooxaha Daacish iyo Al-shabaab oo ay Puntland dagaalka kulajirto Buuralayda Galgala.

Taliska Booliiska ee gobolka Bari ilaa iyo haatan kama aysan hadlin, waxaana goobta uu falku ka dhacay soo gaaray Ciidamada amniga howlgalo ka sameeyay.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abti yariisoow 4 years ago

    WAA in aad aqootaan qofka wax DILAY HALKA uu u baxsaday iyo cida uu gabaadsay hagasho waxaan kutusayaa in marka rasaas lamaqlo
    Qofwaliba qorigiisa lasoo baxo si
    Uu WAX UGAQABTO BACDAMAA AANAN LOO AABE YEELAYN

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com