Dalalka Ethiopia iyo Kenya oo ka wadahadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

HomeWararka

Dalalka Ethiopia iyo Kenya oo ka wadahadlay Khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Fred Matiangi oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyagoo ka wada h

Warka Caweysin, Maxamuud Cabdi Ibraahin, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Waxgaradka Gobalka Sanaag oo ka hadlay dhismaha waddada Ceeldaahir iyo Ceerigaabo (dhegayso)
Dowladda Somalia, Mareykanka & QM oo ka wada hadlay gurmadka Abaaraha

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Fred Matiangi oo gaaray magaalada Addis Ababa ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed iyagoo ka wada hadlay arrimo kala duwan oo ku aadan xiisada u dhexeeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Fred Matangi ayaa kulankan kadib waxa uu bartiisa Twitterka ku daabacay in ay ka wadahadleen Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed sidii loo xalin lahaa Khilaafka soo kala dhexgalay dowladda Soomaaliya iyo Kenya ee ku aadan xuduudka labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sanadkii hore waxa uu kulamo la qaatay madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya isagoo kala hadlay sidii loo xalin lahaa Khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya.

Booqashada Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Kenya uu ku tegay Addis Ababa ayaa waxa ay timid kadib markii uu dhowaan uu kula kulmay magaalada Muqdisho Madaxweyne Farmaajo una gudbiyay casuumaad uu uga sidey Madaxweyne Kenyatta taasoo uu aqbalay Madaxweyne Farmaajo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: