WACAAL DAREY AH: GURICEEL OO SAAKANA DAGAAL KU WAABARIISATAY

HomeWararka

WACAAL DAREY AH: GURICEEL OO SAAKANA DAGAAL KU WAABARIISATAY

WACAAL DAREY AH: GURICEEL OO SAAKANA DAGAAL KU WAABARIISATAY | Magaalada Guriceel oo xalay daganeyd ayaa goordhow uu ka biloowday dagaal toos ah oo u

Dibad-baxyo ka dhashay WhatsAppka oo ka bilaawday Lubnaan
GAL-GALA OO SANADKAN LAGU DAREY LIISKA DEGMOOYINKA UTARTAMI DOONO KOOBKA D/GOBOLKA BARI
Dowladda Somaaliya oo markale digniin soo saartay

WACAAL DAREY AH: GURICEEL OO SAAKANA DAGAAL KU WAABARIISATAY | Magaalada Guriceel oo xalay daganeyd ayaa goordhow uu ka biloowday dagaal toos ah oo u dhaxeeya ciidamada DF Soomaaliya iyo Ururka Ahlu-Sunna Wal Jamaaca (ASWJ). Dagaalka ayaa saaka markii hore ku biloowday rasaas goosgoos ah.

Dagaalkii shalay oo aan weli la ogayn qasaaraha rasmiga ayaa wararku sheegayaan in in ka badan 15 qof ay ku dhinteen labada dhinac, oo isugu jira saraakiil iyo ciidamo.
Ciidamadda Dowladda ayaa saakay ku waabariistay Saldhiga Booliska, Xarunta Degmadda, Beder 1 iyo dhammaan xaafadaha dhaca koofurta Guriceel.

Ciidamadda Ahlu Sunna ayaa iyaguna ku sugan xaafaddaha dhaca Waqooyiga Guriceel sida Tuulo Gaban, Ceel Abshir, Ceel Cali Faarax illaa iyo halka loo yaqaan Jaamacadda ee dhacda Waqooyi Bari Guriceel.

Diiwaanka wararka | Radio Daljir
Ayaanle Cabdullaahi Jaamac

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: