Dowladda Somaaliya oo markale digniin soo saartay

Dowladda Somaaliya oo markale digniin soo saartay

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay digniin la xiriirta fatahaada xoogan oo Wabiga Shabelle laga cabsi qabo in uu ka geysto degaano ka tirsan Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe.

Siihaya xilka Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay uu Biyo horleh keenay Wabiga Shabeelle, isla markaana laag cabsi qabo in uu ka fataho degaano hoostaga Magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar.

Waxaa uu sheegay in roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ay dhulka Buuraleyda ah ee Itoobiya ay keentay in Wabiga uu Biyo badan keeno,isla markaana taasi ay sababi karto fatahaado ka dhaca degaannada uu maro Wabiga Shabeelle, isla markaana sababi karto dhimasho & burbur hantiyaded.

Ugu dambeynWasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Xamza Saciid Xamza ayaa ugu baaqay dadka ku nool hareeraha wabiga inay feejignaan muujiyaan kana fogaadaan.

Horay ayaa Wabiga Shabeelle waxaa uu fatahaad uga geystay degaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan,waxaana uu sababay inay kumanaan qoys barakacaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com