Wacaal Darey ah: Guddoomiyhii degmada Awdheegle oo qarax lagu dilay

Wacaal Darey ah: Guddoomiyhii degmada Awdheegle oo qarax lagu dilay

Wararka ay idaacada Daljir ay ka helayso degmada Awdheegle ee gobolka  Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax lagu dilay guddoomiyihii degmada  Maxamed Yarow.

qaraxan ayaa ahaa minoo dhulka loogu aasay oo lala beegsaday guddoomiyaha xili uu kusii jeeda degmada.

Guddoomiyaha ayaa meedkiisa waxaa loola cararay isbitaalka degmada oo uu markii dambe ku geeriyooday.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ayaa  hataan howlgal ka wadaan gudaha degmadaas gaar ahaan halka uu qaraxa ka dhacay.

Al-shabaab ayaa sheegataya mas’uuliyada qaraxan lagu dilay guddoomiyaha.

Guddoomiye Maxamed Yarow maalmihii hudambeeyay waxa uu waday howlgalo lagula dagaalamayay kooxda Al-shabaab.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com