Wacaal Darey ah: Diyaarad Ciidan siday oo maanta ka dagtay Dhuusa  Mareeb iyo Ra’iisul Wasaare kheyre oo ku soo wajahan

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Diyaarad Ciidan siday oo maanta ka dagtay Dhuusa Mareeb iyo Ra’iisul Wasaare kheyre oo ku soo wajahan

Wararka ay Idacada Daljir ka helayso magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay halkaas ay ka degtay diyaarad siday ciidam

Hoggaamiyihii Alqaacida Ayman al-Zawahiri oo Duqeyn lagu dilay
Warkii Duhurnimo ee Daljir iyo Maxamed Lakiman Daljir Garowe (dhegayso)
13 Suxufi oo maalinkii Saddexaad u xiran ciidanka Somaliland

Wararka ay Idacada Daljir ka helayso magaalada Dhuusa Mareeb ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay halkaas ay ka degtay diyaarad siday ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Diyaaraddan ayaa sida naloo xaqiijiyay waxa ay ka duushay garoonka diyaaraxaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxayna siday ku dhawaad 60-askari oo ka tirsan ciidanka Gor-gor ee dowladda Soomaaliy ee sida gaarka utababaran.

Goobjoogaal ayaa Daljir usheegay in ciidamadan ay yihiin laalada gaarka ah ee Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo la qorshaynayo in uuu gaaro magaalada Dhuusa mareeb ee caasimadda maamulka Galmudug.

Xaaladda Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa ahayd shalay ilaa iyo xalay mid kacsan, waxaana bartamaha magaalada lagu arkayaa gaadiid dagaal iyo ciidamo aad u fara badan oo gudaha magaaada ka samaystay sldhigyo ciidan.

Xalay ayay ahayd markii ciimado ka amar qaata maamulka Ahlusunna ay la wareegeen xarunta maamulka degmada.

khilaafka dowladda iyo Ahulusunna ayaa soo shaac baxay kadib markii ay Ahlusunna ay sheegtay in dowladda ay jabisay qodobadii ay ku hesiiyeen.
Diiwaanka warka.
Daljir Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: