Wacaal Darey ah: Ciidamo xirtay wadada u dhaxeysa  Boosaaso iyo Garoowe

HomeWararka

Wacaal Darey ah: Ciidamo xirtay wadada u dhaxeysa Boosaaso iyo Garoowe

Wadda udhaxaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa maanta xiran kadib markii ay ciidamo gadoosan ay xireen waddada. Ciidamada ayaa ka yimid de

RW Abiy Axmed oo dhex-dhexaadin ka bilaabay dhinacyada Suudaan` (Sawiro)
Xulashada Daljir iyo Axmed Xuseen Cabdulqaadir Sheekeey (dhegayso)
Sarkaal dowladeed oo ka hadlay boobka xeradii tababarada Imaaraatka ee Muqdisho

Wadda udhaxaysa magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe ayaa maanta xiran kadib markii ay ciidamo gadoosan ay xireen waddada.

Ciidamada ayaa ka yimid degmada Carmo ee gobolka Bari waxaana hoggaaminayay Sarkaal lagu Magacaabo Ciise Yulux oo kamid ahaa ciidankii dhawaan Boosaaso soo galay.

lama oga ilaa iyo haatan sababta rasmiga ah ee keentay in Ciidamadaan ay xirtaan waddada u dhaxeysa Garoowe iyo Boosaaso,iyadoo uu istaagay Isu socodka gaadiidka ee Boosaaso iyo Garoowe ,isla markaana Gaadiid farabadan uu ku xayiranyihiin duleedka Magaalada Boosaaso.

wararka ay Daljir helayso ayaa sheegaya in gaadiidka ciidamada ay gaadiidka rakaabka ay kufureen rasaas,balse majirto cid wax kunoqotay.

16-kii Bishii November ee sanadkaan ayay aheyd markii Ciidamo isugu jira kuwa Daraawiishta Puntland iyo Maleeshiyaad uu hoggaaminayey Ciise Yulux ay ku dagaalameen Koontoroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso walow markii dambe xiisad ka dhalatay dagaalkaas ay xaliyeen waxgaradka Gobolka Bari.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: