Sarkaal dowladeed oo ka hadlay boobka xeradii tababarada Imaaraatka ee Muqdisho

Sarkaal dowladeed oo ka hadlay boobka xeradii tababarada Imaaraatka ee Muqdisho

Taliyaha Hogaanka siyaadsada iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid Sheikh Cali Xaydar oo waraysi siinayay idaacad ku hadasha Afka Militariga ee Muqdisho ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin warar shalay soo baxayay oo sheegayay in boob iyo bililiqo loo gaystay xerada Gen Gordon ee Imaaraatka Carabta uu ku tababarayay ciidmaada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Waxaa uu sheegay warkaasi oo ay baahiyeen warbaahinta Muqdisho inay tahay been abuur, xeradana aanu ka dhicin wax dagaal ah oo ay isaga horyimaadeen ciidamada militariga ee dowladda.

Waxaa uu sheegay inay maxkamad la tiigsan doonaa warbaahinadii warkaasi baahiyay oo uu ku sheegay inay ahaayeen been abuur lagu marin habaabinayo shacabka.

Imaaraatka Carabta ayaa joojiyay shaqadii uu ka hayay laba isbitaal oo ku yaala Muqdisho iyo xarun ay ku tababari jireen ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku tiilay magaalada Muqdisho, xeradaasi ayaa waxaa horay u sheegay ciidamada ku jira inay la wareegayaan wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com