RW Abiy Axmed oo dhex-dhexaadin ka bilaabay dhinacyada Suudaan` (Sawiro)

HomeWararka

RW Abiy Axmed oo dhex-dhexaadin ka bilaabay dhinacyada Suudaan` (Sawiro)

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, si uu u dhex-dhaxaadiyo madaxda militariga dal

Faah faahin Qarax Qasaaro iyo Dhaawac Geystay oo ka dhacay Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan
Eng Camey oo ku baaqay in laga faa’iidaysto fursada kujirta caleemasaarka madaxweyne Deni ( daawo)
Warka Fiidnimo iyo Ficil Burkud, Daljir Badhan(dhegayso)

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed ayaa maanta gaaray magaalada Khartoum ee caasimada dalka Sudan, si uu u dhex-dhaxaadiyo madaxda militariga dalkaas xukuma iyo hogaamiyayaasha dibad-baxayaasha.

Abiy ayaa kasoo degay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Khartoum wuxuuna kulamo la leeyahay Jeneraalada xukunka haya.

Ra’iisul wasaraaha Itoobiya ayaa la filayaa in goor dambe oo maanta ah uu sidoo kale la kulmo xubnaha hoggaaminaya banaan-baxayaasha.

“Waxaan casuumad ka helnay safaaradda Itoobiya si aan halkaas ugula kulano ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waana tagi doonnaa” Waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha dibad-baxayaasha Omar al-Digeir oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Ciidamada Sudan ayaa isniintii billaabay howl-gal ka dhan ah dibad-baxayaasha fadhiya dibadda xarunta wasaaradda gaashaandhigga, waxaana ku dhintay in ka badan 100 qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee dhimashada ay tahay 61 qof.

Halkan ka daawo

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: