Wacaal Daray ah: Madaxwaynihii Zimbabwe Mugabe oo is-casilay

HomeWararka

Wacaal Daray ah: Madaxwaynihii Zimbabwe Mugabe oo is-casilay

Madaxwaynaha wadanka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa iska casilay xilka, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda. Warqad kasoo  baxday ma

Shil Gaadhi oo ciidamada federaalku sababeen oo ka dhacay Jigjiga dhaawacna gaystay
Dowladda oo guddi usaartay Aaska marxuum Cali Mahdi Maxamed (Akhriso)
MAANKA DADWEYNAHA & MAYKARAFOONKA DALJIR (daawo)

Madaxwaynaha wadanka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa iska casilay xilka, sida uu sheegay afhayeenka baarlamaanka Jacob Mudenda.

Warqad kasoo  baxday madaxwayne Mugabe ayaa lagu sheegay go’ aankan inuu iskiisa uu u qaatay inuu is-casilo, awooddda dalkana uu wareejiyo.

Go’ aankan lama filaanka ee Mugabe ayaa meesha ka saaray cod ay baarlamaanka dalka ay u qaadli lahaayeen maanta inay xilka uga qaadaan.

Golaha sharci dajinta ee dalka Zimbabwe ayaa bilaabay sacab xoogan oo hoolka qabsaday, waxaana sidoo kale dibadbaxyo waaway ay ka socdaan waddooyinka waawayn ee dalka Zimbabwe oo lagu soo dhoweynayo go’aanka uu isku casilay madaxwaynihii dalka.

Mr Mugabe oo horay u diiday inuu xilka wareeejiyo ayaa waxaa isa soo taryaya dibadbaxyo lagu dalbanayay inuu isaga dago xilka,  waxaana awooddii dalka dhowaan la wareegay militariga dalka.

Waxaa uu soo talinayay tan iyo sanadkii 1980kii.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: