Shil Gaadhi oo ciidamada federaalku sababeen oo ka dhacay Jigjiga dhaawacna gaystay

Gaadhi uu raashin buux dhaafshay ayaa ku gaddoomay Jigjiga gaar ahaan xaafadda 16aad, goobta loo yaqaan Jibriga. Shilka waxaa ku dhaawacmay illaa 6 qof oo midi yahay askari. Wax dhimasho ah kama aysan dhalan shilka.

Gaddoonka gaadhiga ayaa lagu sababeeyey ciidamada federaalka ee loo yaqaano FINAASTA oo u adeegsaday rasaas nool si ay gaadhiga u joojiyaan.

Ma aha markii ugu horreysay ee ciidamada federaalku ay magaalada dhexdeeda gawaadhi rasaas ku furaan oo dhowr jeer oo hore ayey sidan oo kale u rasaaseeyaan gawaadhida xamuulka, sababeyna khasaare maal iyo mid nafeed.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga


Posted

in

,

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com