Ururka Warbaahinta Puntland oo tababar u soo xiray wariyaal

Ururka Warbaahinta Puntland oo tababar u soo xiray wariyaal

Ururka warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta Garowe ku soo gabogabeeyay tababarka badqabka iyo tebinta doorashada golayaasha deegaanka Puntland oo shan maalmood u socday 25 saxafi.

inta uu socday waxa ka qaybgalayaasha la hadlay oo erayo dardaar ah u jeedshay Gudoomiye ku xigeenka TPEC Cali Jama Dhegacde iyo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Shiikh Isxaaq.

Xogahaya MAP Naima Musse ayaa sheegtay in Ururka guud ahaan tiro 75 saxafi ugu qabtay magaalooyinka Bossaso, Galkacayo iyo Garowe tababarkan ujeedkiisu ahaa u carbinta warfidiyeenka tebinta doorashada golayaasha deegaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com