Ururka MAP oo cambaareeyay xariga wariye Tollmaan, baaqna udiray dowladda

HomeWararka

Ururka MAP oo cambaareeyay xariga wariye Tollmaan, baaqna udiray dowladda

Ururka Saxaafadda Puntland ee MAP ayaa ku baaqay in si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo weriye Axmed Sheekh Maxamed (Tallman) oo khamiistii lag

Xulashada Daljir iyo Cumar Lakiman, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
Muxuu ka dhigan yahay hadalka safiirka mareykanka ee Kenya ?( dhegayso)
Wacaal darey ah: Madaxweyne Deni oo xanibay Akoonadii dowladd Puntland

Ururka Saxaafadda Puntland ee MAP ayaa ku baaqay in si deg deg ah xoriyadiisa loogu soo celiyo weriye Axmed Sheekh Maxamed (Tallman) oo khamiistii lagu xiray magaalada Garowe.

“Ururka MAP waxa uu ugu baaqayaa dowladda Puntland iyo laamaha amaanka inay joojiyaan handadaada saxafiyiinta islamarkaasina wado sharci u maraan eedayntooda” ayaa lagu qoraal kasoo baxay ururka Map.

Tallmaan oo ahaa agaasimihii hore ee Daljir, ayaa qoraal uu dhawaan kusoo daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in xeer ilaaliyuhu uu isku dayey inuu kiiskaas hab sulux ah ku dhameeyo, balse taasi uu isagu diiday.

Xeer ilaaliyaha ayaa Talman ku amray inuusan Garowe ka bixin, tan iyo inta kiiskan maxkamadu go’aan ka gaarayso,balse waxaa khamiistii xigtay in xabsiga ladhigay wariye Tollman.

dhinaca kale waxaa xariga wariye Tollman si kulul ucambaareeyay Ururka Qaranka ee warbaahinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.

Diiwaanka warka.
Daljir Bosaaso.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: