Ururka ay ku mideysanyihiin Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya oo sheegay in Somaliland qaadka geyn donaan

HomeWararka

Ururka ay ku mideysanyihiin Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya oo sheegay in Somaliland qaadka geyn donaan

Ururka ay ku mideysanyihiin Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Dalkooda ay ka heleen oggolaansho ah i

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Xasan Cali Kheyre: “Waxaa na sugaaya tacab aan nasaho lahan iyo halgan aan dhayalsi lahayn” (daawo)
Madaxweynaha Deni oo Gaaray Gobolka Mudug “Buurtinle waa ku mahadsan-tahay in ay Hirgelisey TAYAYN IYO TIIGSI oo ay nabaddii tayeysay”

Ururka ay ku mideysanyihiin Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda Dalkooda ay ka heleen oggolaansho ah in ay arrimaha suuqa qaadka kala hadli karaan Maamulka Somaliland.

Sidoo kale wasaaaradda ayaa maamulka Gobolka Meru ee uu Qaadka ka boxo mas’uuliyiintiisa u fasaxday in ay xiriir dhinaca ganacsiga ah iyo suuq u raadinta qaadka ah la yeelan karaan Somaliland.

Kimathi Munjuri, oo ah afhayeenka Ganacsatada iyo Beeraleyda Qaadka Kenya ayaa sheegay in Agaasimaha laanta dhaqaalaha Wasaaaradda arrimaha dibadda Kenya uu ka oggolaaday soona dhaweeyay warqad ay ku codsanayeen in loo fasaxo in ay xiriir Ganacsi la yeelan karaan Somaliland.

Ururka Ganacsatada Kenya ayaa doonaya in ay suuq cusub ka helaan Maamulka Somaliland iyada oo qiimaha canshuurta laga qaadanaya doonaya in hoos loo dhigo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: