Wasiir xoosh oo ka hadlay Meelaha Mugdiga kaga jirro dastuurka dalka

Wasiir xoosh oo ka hadlay Meelaha Mugdiga kaga jirro dastuurka dalka

Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegay in meelo badan uu mugdi ku jiro dib u eegista dastuurka kadib.

Dhanka Luuqada uu ku qoran yahay ayuu tibaaxay in aanan wanaagsaneen, wasaaraddiisana ay ku howlgan tahay hagaajinta qaladaadkaasi u muuqda sida uu hadalka u dhigay.

Wasiir Xoosh ayaa dhanka kale soo hadal qaaday Nidaamka Federaalka ee Dowladda qaaday, waxa uuna tilmaamay in magac ahaan oo kaliya uu yahay Federaalka balse aanan gaarsiisneen Heerkii la rabay.

Waxa uu tusaale u soo qaatay in aanan qeexneen awoodaha Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada, isagoona ku baaqay in ka wasaarad ahaan uu isku howli doono ka dhabeynta Arrintaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com