Madaxweynaha Deni oo Gaaray Gobolka Mudug “Buurtinle waa ku mahadsan-tahay in ay Hirgelisey TAYAYN IYO TIIGSI oo ay nabaddii tayeysay”

Madaxweynaha Deni oo Gaaray Gobolka Mudug “Buurtinle waa ku mahadsan-tahay in ay Hirgelisey TAYAYN IYO TIIGSI oo ay nabaddii tayeysay”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayey oo maanta safar shaqo ugu ambabaxay gobolka Mudug ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha ayaa intaanu gaadhin degmada Buurtinle waxa uu sii kormeeray Wershedda dhismaha Wadada Garoowe-Gaalkacyo iyo wershedda shirkadda Kebarco oo gacanta ku haysa dhismaha laamiga dhexmara Buurtinle oo horey si casriya, tayonaleh u dhistay wadada halbowlaha ah ee Gaalkacyo.

Soo dhoweyn iyo shucuur wanaagsan oo ay shacabka reer Buurtinle weftiga Madaxweynaha ku qaabileen, waxaa uu Madaxweynuhu xadhiga ka jaray waddo laami ah oo dhexmarta faras magaalaha. 1km ayaa la dhisay, 3km iyo 600 miter, ayaa Madaxweynaha Puntland balan qaaday in dowladdu dhammaystiridoonto, waxaana uu Madaxweynuhu meel fagaare ah kala hadlay shacabka degmadaasi.

“Runtii waxaa sharaf weyn ii ah maanta inaan imaado degmada Buurtinle oo xudun u ah, halbowlena u ah Puntland, waan ku faraxsanahay horumarka ay gaadhay degmadu oo uu ugu horeeyo laamiga maanta aan xadhiga ka jarnay iyo mashariicda kale ee aan ka warqabo ee socota, taasi waxaa lagu gaaray dedaalka iyo wadajirka shacabka iyo maamulku ay sameeyaan”

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kulan gaar ah la qaatay maamulka degmada, cuqaasha, nabadoonada iyo waxgaradka magaalada, kulanka kadib waxa uu xadhiga ka jaray saldhig cusub oo degmada laga hirteliyey, dhismaha saldhigga waxaa iska kaashaday hay’adda SSF iyo dowladda Puntland.

“Marlabaad farxad bay ii tahay in Alle isu soo keen celiyey inagoo guulaysanay, Buurtinle si gaara waxaan uga mahadcelinaynaa mudadii hadda Xukuumadda jirtey oo aan ku baaqnay TAYAYN IYO TIIGSI inay nabaddii tayaysay oo degaanka colaaddii ka jirtey ay soo afmeertay, runtii aad baan uga mahadcelinayaa, sidoo kale waxaan uga mahadcelinayaa inay dhiseen dhisme Laami oo tayaysan”.

“Wuxuu wax qabadku hirgelayaa marka la wadajiro, anaga ka dowladd ahaan waxaan balan qaadaynaa inaan bulshada reer Puntland gaar ahaan bulshada reer Buurtinle aan garab istaagayno dhammaan mashariicda ay wado, waxaan dhowaan ka hawlgelidoonna habaynta magaalada, idinkana waxaan idinka codsanaynaa inaad u diyaar garawdaan wax kasta oo wax idiinku hagaagayaan, wadadaas idan Alle inta ka dhiman waan dhammaystiraynaa, waxaan farayaa Kabeco inay dhammaystirto jidka halbowlaha ah ee magaalada” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay gobolka Mudug, waxaana degmada Xarfo kusoo dhoweeyey mamulka degmada, shacabka magaaladaasi, waxgarad, oday dhaqameedyo iyo masuuliyiin kale, intaasi kadib Madaxweynaha ayaa kormeeray xerada tababarka ciidanka Abqaale iyo cisbitaalka guud ee magaalada. Weftiga Madaxweynaha ayaa caawa ku negaandoona degmada Xarfo ee gobolka Nugaal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com