HomeUncategorized

UGANDA:Shacabka Uganda oo Doorasho u Dareeraya Khamiista

Bosaaso, Febru, 17, 2016 -Guddiga Doorashooyinka Qaranka Dalkaa Uganda ayaa sheegay Arbacada Maanta ah inay Rajeynayaan in Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynenimada ee dalkaas ay Khamiista berri ah ku dhici doonaan si Nabad-galyo ah.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Jimco_16
Gudoomiyaha gobolka Sanaag oo kormeeray fariisimaha ciidanka Daraawiishta Puntland (Dhegayso).
Uhuru Kenyatta iyo Musavani oo kawada hadlay la dagaalanka Al-shabaab
Bosaaso, Febru, 17, 2016 -Guddiga Doorashooyinka Qaranka Dalkaa Uganda ayaa sheegay Arbacada Maanta ah inay Rajeynayaan in Doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynenimada ee dalkaas ay Khamiista berri ah ku dhici doonaan si Nabad-galyo ah.
 
Khamiista Berri ah, ayaa lagu wadaa in Shacabka Uganda ay u dareeraan goobaha codadka lagu Cod-bixinta, si ay u soo doortaan Xildhibaanno cusub iyo Madaxweyne, iyadoo Xilka Madaxnimada Dalkaas ay ku Tartamayaan siddeed Murashax oo uu ku jiro Madaxweynaha talada haya, Yoweri Museveni iyo Haweeney.
 
“Xilligii Doorashada ayaa lasoo gaaray. Waxaanan u dirnay Qalabkii Doorashada dhamaan goobaha codadka laga dhiibanayo dalka oo dhan, waxaana diyaar u nahay in doorashadu ay dhacdo berry oo Khamiis ah,” ayuu yiri Afhayeenka Guddiga doorashada ee dalka Uganda, Jotham Taremwa.
 
Afhayeenka ayaa intaa ku daray. “Waxaan rajeynaynaa inay doorashadu u dhacdo si Nabad ah; Waxaana Shacabka oo dhan ugu baaqaynaa inay goobaha lagu qaadayo codadka tagaan oo codkooda dhiibtaan.”
 
Madaxweynaha Xukunka haya, Yoweri Museven oo 71-jir ah, kana Talinayay Dalkaas 30-sano ayaa si weyn loogu Saadaalinayaa inuu Doorashada berri ku guuleyso markii shanaad, isagoo horay ugu soo guuleystay afar doorasho oo dalkaas horay uga dhacday.
 
“Cid walba oo isku dayaysa inay rabshado abuurto, waad arki doontaan waxaan ku sameyn doonno. Kuwa raba inay Rabshado Abuuraan, Waxaan leennahay meelo kale la aada, balse Uganda kama sameyn kartaan,” ayuu Yoweri Museveni ku yiri hadal uu Shalay oo Talaado ahay u jeedinayay Kumannaan ka tirsan Taageerayaashiisa.
 
Isagoo sii hadlaya ayuu raaciyay. “Waxaa jira dad cabsi weyn ku abuuraya Shacabka, balse ha ogaadaan kuwaas iyo kuwa kaleba – inaan cidna laga aqbalayn inay Ammaanka Uganda carqaladeyso.”
 
Sidoo kale, Amama Mbabazi oo ka mid ah Murashaxiinta Loolanka Adag kula jira Yoweri Museveni ayaa ku eedeeyay xisbul xaakimka inuu doonayo inuu Codadka Doorashooyinka ku shubto, isagoo xusay inay taas daliil u tahay hadalkii afhayeenka Xukuumadda Ofwono Opondo ee ahaa inay layn doono Shacabka.
 
Axsaabta ku Tartamaya doorashada Madaxnimo ee Uganda ayaa wuxuu midba kan kale ku eedeynaa inuu hubeynayo kooxo malleeshiyooyin ah, si ay hadafka ay leeyihiin u gaaraan.  Iyadoo hal qof lagu dilay Isniintii rabshado dhex-maray booliiska iyo Taageerayaasha mid ka mid ah xisbiyada mucaaradka ah ee FDC oo uu Hoggaamiyo Kizze Besigye oo si weyn ay isku hayaan Madaxweyne Museveni.
 
Balse, afhayeenka guddiga doorashooyinka Uganda, Jotham Taremwa ayaa isna sheegay in Ololayaashii Doorashooyinka Murashaxiinta Uganda oo Talaadadii ku ekaa ay ku dhaceen si nabad-galyo ah.
 
“Marka laga reebo Rabshado yar-yar oo dhacay, inta badan ololihii Doorashada Uganda si nabad-galyo ah ayay ku dhaceen,” ayuu hadalkiisa ku daray, Jotham Taremwa oo sheegay in doorashaduna ay nabad ku dhici doonto.
 
Dhanka kale, Taliyaha Booliiska Uganda, Kalye Kayihura ayaa isna warbaahinta u sheegay in Ololayaashii Doorashooyinka ay shalay si nabad ah kusoo Af-jarmeen marka laga reebo buu yiri rabshado kooban oo dhacay.
 
Guddiga Doorashooyinka Qaranka Uganda ayaa ugu dambeyn maanta sheegay in natiijada cod-bixinta berri dhacaysay ay ku dhawaaqi doonaan muddo 24-saac gudahood ah, ayna ka rajeynayaan murashaxiinta inay aqbalaan natiijada kasoo baxda doorashada.
 
Ugu dambeyn, in ka badan 15-Milyan oo qof ayaa loo Diiwaan-geliyay in Uganda ay berri oo Khamiis ah ka dhiibtaan codadkooda, iyadoo goobaha Cod-bixinta ay Gaarayaan 28000 oo goobood, iyadoo loo Tartamayo 290-kuri oo Baarlamaanka ah, kuwaasoo ay ku loolami doonaan 29 Xisbi Siyaasadeed oo ka jira Dalka Uganda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: