HomeUncategorized

Gaas iyo Tedros Admahon oo Addis Ababa ku kulmay

Bosaaso, Febru, 17, 2016 -Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay u dhoofay Dalka Itoobiya ayaa maanta kula kulmay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Tedros Adhanom iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan.

Qaramada Midoobey oo waqti u kordhisay ciidamada jooga xeebaha Soomaaliya.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Isniin_28
France oo taageeraysa booliska gudaha Burundi iyo howlaha meleteri ay ka wado dalka Soomaaliya

Bosaaso, Febru, 17, 2016 -Madaxweynaha Puntland, C/wali Maxamed Cali Gaas oo shalay u dhoofay Dalka Itoobiya ayaa maanta kula kulmay Xarunta Itoobiya ee Addis Ababa kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya Dr. Tedros Adhanom iyo saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Adhanom ayaa hadal kooban ku sheegay in isaga iyo Madaxweynaha Puntland ay kulankooda kaga hadleen nooca dooarasho ee ka dhici doonta Somalia dhammaadka sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Sidoo kale, Dr. Tedros Adhanom ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in Xukuumadda Itoobiya ay Gacan muuqata ka geysanayso sidii Somalia ay Xasillooni buuxda uga dhici lahayd, isla markaana ay taageerayaan doorashooyinka sannadkan ka dhici doona Somalia.

Adhanom ayaan sheegin nooca doorasho ee ay kawada hadleen isaga & madaxweyne Gaas iyadoo la Xusuusto in Madaxweynaha Puntland uu horay u diiday in uu Aqbalo in dalka ay ka dhacdo doorashada nooca 4.5-ka ah, Taasoo uu Xusay in dadka Puntland aysan ogoleyn doorashada noocaas ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Puntland ayaan Faahfaahin ka bixin Qodobbadii ay kulankan uga Wada-hadleen isaga iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Itoobiya, Tedros Adhanom iyo weliba Saraakiisha kale ee ka tirsan Xukuumadda Itoobiya ee ay wada kulmeen.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: