Turkiga oo Muddo Kordhin u sameeyay Ciidamada ka jooga Somaliya

Bosaaso, Febru, 17, 2016 -Faafinta Rasmiga ee Dowladda Turkiga ayaa lagu shaaciyey inay Xildhibaanadda Barlamaanka ansixiyeen Mooshin waqtiga loogu kordhiyey Ciiddanka Badda ee Turkiga ee qeybta ka ah Hawlgalka Caalamiga ee La-dagaalanka Burcad-baddeeda ka qowleysata Badda Somalia.

Xilli kordhinta loo sameeyey Ciiddankaasi ayaa ah muddo hal sanno ah oo ka bilaabantay bishan February 10-da ee sannadka 2016-ka, waxayna Ciiddanka Badda ee Turkiga maraakiib dagaal ku biiriyeen Hawlgalkaasi sannadkii 2009-kii.

Sidoo kale, Turkiga waxay kaloo qaaraan dhaqaaqle ku bixiyeen Djsimihii Kooxda Isku-xirka ee Burcad-baddeeda ku sugan meelaha ka baxsan Xeebta Somalia “The Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia (CGPCS).”

Ciiddanka Badda Turkigha ee jooga Badda Somalia waxawa waajibkooda ka mid ah Hawlaha Ilaaladda iyo Sirdoonka, ka-hortaga dhaca hubeysan, gelbinta iyo badbaadinta Maraakiibta Ganacsiga, Taageerida Maraakiibta Ganacsiga ee ay Burcad-baddeeda sii weeraraan iyo Dhac-baddeedka.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com