HomeUncategorized

Uganda oo joojisay Haweenkii Shaqaalaha ee loo diri jiray Sucuudiga

Dowlada Ugandha ayaa joojisay haweenka wadankaasi ee shaqada u doonan jiray wadanka Sucuudiga, kadib markii ay soo baxday falal jirdil iyo dhibaatooyin badan oo loo geystay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay ee ka shaqeeya Boqortooyada Sucuudiga.rn

Wariyaasha Puntlnad oo cambaareeyay tacadiyaadka lagula kaco wariyaasha Puntland.
Duufaano Halis ah oo ku Dhuftay Qaybo kamid ah Gobolka Gardafuu ee Puntland
Kooxda Real Madrid oo ku Guul-daraysatay in ay u Gudubto Finalka koobka Champions Leaque

Dowlada Ugandha ayaa joojisay haweenka wadankaasi ee shaqada u doonan jiray wadanka Sucuudiga, kadib markii ay soo baxday falal jirdil iyo dhibaatooyin badan oo loo geystay muwaadiniinta dalkaasi u dhashay ee ka shaqeeya Boqortooyada Sucuudiga.

Wasiirka Shaqada & Shaqaalaha Mr.Muruli Wilson Mukasa ayaa qoraal uu u qoray Wasaarada Arrimaha Dibada lagu baahiyey barta Twitterka.

Go’aanka Wasiirka ayaa soo baxay kadib markii baraha Internetka lagu shaaciyey Cod laga soo duubay haweenka Ugandha u dhashay ee hada ku xiran dalka Sucuudiga, haweenkaasi oo ka sheekeeyey dhibaatada loogu geysto wadanka Sucuudiga oo ay usoo shaqo doonteen.

Xaalada haweenkan oo ay shacabka dalka Ugandha si weyn uga hadleen ayaa keentay in Wasaarada ay go’aankan qaadato ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

Waxaa la filayaa in dhawaan go’aan rasmi ah dowlada Ugandha kasoo saarto xaalada haweenkooda ku sugan Sucuudiga.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: