Turkiga oo Sheegay Inuu Diyaar uyahay dhexdhexaadinta dhinacyada Isku Haya Itoobiya

HomeWararka

Turkiga oo Sheegay Inuu Diyaar uyahay dhexdhexaadinta dhinacyada Isku Haya Itoobiya

Turkiga ayaa ku baaqay xabad joojin laga dhaqan geliyo dalka Itoobiya, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku

Guuxa Maanka Dadweynaha, Makrafoonka Daljir & M Fantastik (dhegayso)
Shir Cafimaadka looga hadlayo oo Garowe ka furmay (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo imaraadka u dhoofay (Daawo)

Turkiga ayaa ku baaqay xabad joojin laga dhaqan geliyo dalka Itoobiya, waxaana uu tilmaamay inay diyaar u yihiin inay dhexdhexaadiyaan dhinacyada isku haya dagaalka mudada sanadka ah ka socday, kaasoo hadda kusii siqaya caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa .

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa loogu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya Itoobiya in si degdeg ah u joojiyaan dagaalka si loo helo nabad iyo xasillooni.

Maamulka Recep Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in ay dhex dhexaadiyaan dowladda Federaalka iyo kooxda TPLF. Baaqan ayaa imanaya xilli dalal ay ka mid yihiin US,UK iyo Belgium ay ku baaqeen xabad joojin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: