Madaxweynaha Galmudug oo cafis u fidiyay sarkaal hub kala soo goostay Ahlusunna

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo cafis u fidiyay sarkaal hub kala soo goostay Ahlusunna

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa caawa cafis u fidiyay Dhamme: Nuurdeeq Cali Cabdi Faarax oo ka tirs

Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo maanta is diiwaangaliyay (Sawirro)
Xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan ,Daljir Garowe (dhegayso)

Madaxwaynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye “QoorQoor” ayaa caawa cafis u fidiyay Dhamme: Nuurdeeq Cali Cabdi Faarax oo ka tirsan Saraakiisha Nabadsugida Soomaaliya balse Ahlusunna la dagaalgaley.

Nuurdeeq ayaa xalay kala soo goostay Kooxda Ahlusunnada hubeysan ee uu ka tirsanaa qori dhashiike ah, waxaana Madaxwaynaha Galmudug sarkaalkan uu ku amaaney go’aanka uu qaatey.

Qoorqoor ayaa amrey in sarkaalkan loo fasaxo musharkiisa, isla markaana lagu wareejiyay qorigii uu la soo goostay oo ay dowladda Federaalku ku abaal marisay in uu milkiyadiisa yeesho qorigaasi, isagoo xor u ah lahaanshihiisa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa u balan qaaday in qof kasta oo Ahlusunna kala soo goosta hub loo fidiyo cafis, isla markaana loo daayo milkiyadda qoriga uu lasoo goosto nuucow doonaba ha ahaadee.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: