Turkiga oo qalab caafimaad gaarsiyeey Muqdisho

HomeWararka

Turkiga oo qalab caafimaad gaarsiyeey Muqdisho

Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomaya qalab caafimaad oo dowl

Musharax Janeraal Moorgan iyo soo dhowayntiisa Garoowe (daawo)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Wasiirrada caafimaadka, arrimaha dibadda iyo gargaarka ayaa si wadajir ah safiirka Turkiga ee Soomaaliya maanta uga guddoomaya qalab caafimaad oo dowladda Turkigu ay ugu deeqday dowladda Soomaaliya, si ay ugu adeegsato dagaalka loogu jiro xakameynta Faafitaanka COVID19.

Gargaarka ay dowladda Turkigu soo gaarsiisay dowladda Soomaaliya waxaa kamid ah qalabka Sheybaarka, qalabka lagu neefsado, Labiska shaqaalaha caafimaadka iyo qalab kale oo muhiim ah oo dhammaan xilligaan loo qabay baahi xooggan.

Wasiirrada ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagga joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay la garab taaganyihiin, iyo gurmadka degdegga ah ee xilliyada xaaladaha adag ay soo cusboonaadaan.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya ayaa munaasabadda ka sheegay in diyaarado kale oo gargaar caafimaad sida ay maalamaha soo socda soo gaari doonaan magaalada Muqdisho.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: