Trump, May iyo Macron oo ka qaybgalay xuska D-Day

HomeWararka

Trump, May iyo Macron oo ka qaybgalay xuska D-Day

Raysal wasaaraha ingiriiska Theresa May ayaa lagu wadaa inay ka qaybgasho munaasabad ka dhici doonta waqooyiga dalka Faransiiska oo lagu xusayo maalin

Hir-Shabeelle oo baaq deg deg ah kasoo saartay fatahaadaha
RSF calls for Puntland policeman’s arrest for trying to murder journalist
Cabdirashiid Janaan ma khilaafba soo kala dhexgalay isaga iyo Farmaajo?

Raysal wasaaraha ingiriiska Theresa May ayaa lagu wadaa inay ka qaybgasho munaasabad ka dhici doonta waqooyiga dalka Faransiiska oo lagu xusayo maalintii labaad ee ee sanad guuradii 75-aad ee kasoo wareegatay ee D-Day, iyadoo uu wehliyo madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Mrs May iyo madaxwaynaha Faransiiska ayaa ka qaybgalaya xaflad xusuus ah oo lagu maamusayo ciidamadii Britishka ahaa ee lagu dilay dagaalkii Normandy ee xeebaha Faransiiska.

D- Day ayaa ah maalintii uu bilowday dagaalkii looga guulaystay xukunkii Nazi-ga ee qabsaday galbeedka Yurub.

Boqolaal saraakiilo quburo ah oo dagaalkaasi ka qaybgalay ayaa sidoo kalle ka qaybgalaya xuska.

Magaalada Portsmouth ee Ingiriiska ayaa shalay lagu qabtay munaasabaddii koowaad oo uu ka qaybgalay madaxwaynaha Mareykanka Trump.

Dagaalka lagu soo afjaray awooddii Naziga ayaa bilowday 6dii June 1994kii , kaasi oo soo afjaray dagaalkii labaad ee dunida.

 

 

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0