Hir-Shabeelle oo baaq deg deg ah kasoo saartay fatahaadaha

HomeWararka

Hir-Shabeelle oo baaq deg deg ah kasoo saartay fatahaadaha

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu baaqay Hay’adaha Gargaarka Shacabka Soomaaliyeed & Ma

Deegaano Biyo la’aan kajirtay oo xalay roobsaday (dhegayso)
XARFO: Siyaasi Cabdullaahi Faarax Bayle Takarooni ayaa si adag uga Hadlay In uu Waayo Xildhibaan
Eheladda Caasho ilyaas oo Radio daljir uga waramay qaabki loo dilay gabadhooda (dhegayso|daawo)

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Goboleedka hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ugu baaqay Hay’adaha Gargaarka Shacabka Soomaaliyeed & Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka qeyb qaataan dadaalka loogu jiro ka hortagga fatahaahada degaannada Maamulkaas.

Cali Guudlaawe oo ku sugan Magaalada muqdisho ayaa sheegay in degaanno iyo degmooyin badan oo ku yaalla Gobolada Hiiraan & Shabeellaha Dhexe uu Wabiga ka fatahay,sida Beledweyne, Mahadaay, Balcad iyo degmooyin kale.

Madaxda Sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu sigaar ah waxaa uu ugu baaqay inay isha ugu hayaan xaaladaha fatahaadaha ee degaannada Hir-Shabeelle oo si joogta ah u soo noqnoqday

Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa kamid ah meelaha sida weyn uu u saameeyay fatahaada Wabiga Shabeelle, iyada oo dadkii deganaa ay badi u barakaceen degaanka Ceel-jaale ee duleedka Beledweyne,waxaana shalay Beledweyne laga bilaabay qorsho looga hortagayo fatahaadaha soo laab laabtay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: