HomeUncategorized

Todobaadka Wacyigelinta Naasnuujinta oo lagu qabtay magaalada Bosaso (Sawiro)

Bosaso, Oct 20 - Wasaaradda caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay'adda UNICEF ayaa ka bilowday deegaanada Puntland ololle balaaran oo dadwaynaha loogu wacyi galinayo faa'iidada naas nuujinta ay u leedahay carruurta da'doodu ka yar tahay shanta sano.

M/weyne Shariif oo shir jaraa?id ku qabtay Villa Somaliya, kana hadlay kulanka uu la yeelan doono Hillary Clinton. [Akhris …]
Dawladda Soomaaliya oo guulo ka sheegatay dagaalladii saacadihii ugu danbeeyey ka dhacay Muqdisho. [Akhris …]
Wareegii afaraad ee Tartan iyo Tacliin oo lasoo gabagabeeyay, Al-nuur Baran iyo Al-Najax Bosaso uu usoo gudbay tartanka kama dambaysta ee barnaamijka (Final)

Bosaso, Oct 20 – Wasaaradda caafimaadka Puntland oo kaashanaysa hay’adda UNICEF ayaa ka bilowday deegaanada Puntland ololle balaaran oo dadwaynaha loogu wacyi galinayo faa’iidada naas nuujinta ay u leedahay carruurta da’doodu ka yar tahay shanta sano.

Kulan kusaabsan todobaadka wacyi galinta naas nuujinta ayaa maanta kadhacay hotelka Juba ee magaalada Bosaso, kaasi oo ay kasoo qaybgalleen saraakiil katirsan wasaaradda caafimaadka, hay’adda UNICEF iyo mashaa’iqda diinta ee deegaanada Puntland.

Isku duwaha wasaaradda caafimaadka Puntland ee gobolka Bari Siciid Maxamed Waraabe oo ka hadlay kulanka ayaa ka sheekeeyay faa’idada uu leeyahay naas nuujinta, waxaana uu sheegay naasnuujinta inuu yahay waajib diini ah islamarkaana kaalin wayn uga jiro caafimaadka ubadka yar ee la dhalay.

Dhamaan mashaa’iqda iyo dhaqaatiirtii ka qaybgalay shirka ayaa ku baraarujiyay bulshada xoogga inay saaraan naasnuujinta carruurta xiliga la dhalo iyo shanta sano ee ugu horaysa noloshooda.

Todobaadka wacyi gelinta naasnuujinta ayaa siweyn looga xusaa maanta oo kalle caalamka iyadoo diiradda la saarayo guulihii laga gaaray hirgalinta istaatiijiyadda caalamka ee quudinta dhalaanka iyo carruurta yaryar, taaso ay isku raaceen Hay’adaha UNICEF iyo WHO.

Halkudhigga sanadkan ee todobaadka naasnuujinta aduunka ayaa ah

” istaraatiijiyada quudinta haboon ee dhalaanka waxay wax ka bedeleysaa xaalada nafaqo ee hooyada iyo dhalaanka”

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

Diiwaanka Wararka

Daljir Bossaso.

?

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: