Wareegii afaraad ee Tartan iyo Tacliin oo lasoo gabagabeeyay, Al-nuur Baran iyo Al-Najax Bosaso uu usoo gudbay tartanka kama dambaysta ee barnaamijka (Final)

Bossaso, Aug 14 – Waxaa xalay lasoo gunaanaday guud ahaanba barnaamijka Tartan iyo Tacliin wareegiisa afaraad, iyadoo barnaamijku uu? soo gaaray heer? gabagabo ah oo ay ku tartameen dugsiyada Imamu Nawawi Garowe iyo Al-nuur Baran.

Dugsiga Imamu Nawawi Garowe ayaa xalay ka haray guud ahaanba barnaamijka markii uu ka guulaystay dugsiga Al-Nuur Baran.

Tartanka labada dugsi ee Al-Nuur Baran iyo Imamu Nawawi Garoowe waxaa uu kusoo dhamaaday Imamu Nawawi 10-darajo iyo Al-Nuur Baran 12-darajo guushana ay ku raacday Al-Nuur Baran.

Waxaa xiligaan isugu soo haray barnaamijka Tartan iyo Tacliin dugsiyada kala ah Al-Nuur Baran iyo Al-Najax Bosaso oo u tartami doonta Ciidul Fidriga kadib koobka sanadkan ee barnaamijka.

Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ayaa waxaa kusoo tartamay sanadkan 24-dugsi sare oo ku yaalla guud ahaan magaalooyinka iyo degmooyinka kalle duwan ee Puntland, waxaa barnaamijka maalgalinaya wasaaradda waxbarshada Puntland, daladda waxbarshada ahliga ee PEN,shirkadda Isgaarsiinta Golis iyo idaacadda Daljir oo suurto galisay barnaamijka in laga dhagaysto magaalooyinka Garowe,Galkacyo,Bosaso,Buuhoodle,Burtinle,Qardho iyo Caabudwaaq.


Maxamuud Cabdi Ibrahim

Radio Daljir, Bossaso.

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com