Maamulka gobolka Mudug oo sheegay in ay heer gaba-gabaa ay marayso qorshayaal dhisme gole-deegaan loogu dhisayo Gaalkacyo.

Gaalkacyo, Oct,? 20 ? G/kuxiggeenka ?gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta oo sabti ah waraysi siiyay radio daljir ayaa sheegay inay heer gaba-gabaa oo dhamaystira ay marayso qorshayaal ay wado dawlada dhexe ee Puntland kaasoo Gaalkacyo loogu yag-leelayo gole deegaan.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa xusay in dawladu ay Gaalkacyo u soo dirtay xubno ka mida golaha wasiirada si ay hawshaasi u gudo galaan, maamulka gobolkuna uu qayb ka yahay, Axmed muuse ayaa sheegay inay hada hayaan intii badnayd xubnihii ka mid noqon lahaa golaha deegaanka balse ay
harsan yihiin xubno ku jira dib-isugu laabasho iyo maqnaashiyo odoyaashii soo xuli lahaa.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in doorashada hogaanka golaha ay ka soo qayb gali doonaan madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha, wuxuuna gaashaanka u daruuray inay jiraan dad ka biyo diidsan in la dhiso xiligan golihii deegaanka Gaalkacyo.

Gudoomiyaha ayaa waraysigiisa ku soo hadal qaaday muhiimadda Gaalkacyo ay u leedahay in loo dhiso gole-deegaan, isagoo carabka ku adkeeyay in baahi weyn oo dhanka amniga iyo hor-markaa loo qabaa.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sh Maxamed ”Faroole” ayaa sanad ka hor kala cayriyay golihii deegaanka Gaalkacyo, iyo dhamaan maamulkii heer degmo illaa heer gobol ka dib markii marxalad adag oo dhanka ammaanka uu galay gobolka ayna soo baxeen is-fana darro saamaysay hay’adihii dawladda.

Diiwaanka Wararka daljir

(S)

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com