Theresa May iyo Jeremy Corbyn oo Shacabka Warbaahinta Kala Hadlay

HomeWararka

Theresa May iyo Jeremy Corbyn oo Shacabka Warbaahinta Kala Hadlay

Labada musharax ee ka u tartamaya labada xisbi ee dalka Britain ugu waawayn ayaa si gooni gooni ah hadal toos looga tabinayey ugu jeediyey shacabka da

Dab ka kacay Habeenimadi xalay kaalin shidaal oo kutaal Cabdudwaaq iyo khasaare ka dhashay oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac
MARTISOOR: Wareysi Prof: Maxamed Xareed Cali & Taarikhdii Dowladdii Kacanka
Qaxootiga Yemen ee Garoowe oo dibadbax dhigay

Labada musharax ee ka u tartamaya labada xisbi ee dalka Britain ugu waawayn ayaa si gooni gooni ah hadal toos looga tabinayey ugu jeediyey shacabka dalkooda sagaal maalmood uun ka hor maalinta ay dhici doonto doorashada guud ee la soo qadimay.

Ra’isal wasaare Theresa May iyo Jeremy Corbyn oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee ay loolamayaan ayaa waxay dadka kala hadlayeen madal ay si wada jir ah u soo agaasimeen labada telefishan ee Sky News iyo Channel 4, iyadoo ay goobtana joogeen dad lagu soo marti qaaday madashu.

May ayaa lagu cambaareeyey sida deg dega ah ee xisbigeedu u bilaabay dib u eegista qorshe loogu talo galay in wax lagaga qabto daryeelka dadka da’da ah ee dalka Ingiriiska ku nool.

Corbyn qudhiisa ayaa isna su’aalo adag la soo hor dhigay waxaana wax laga waydiiyey xidhiidho hore oo la sheegay inuu la lahaa kooxo maleeshiyaad ah oo ay ka mid ahaayeen IRA iyo kuwo ka jiray Bariga Dhexe.

Source-BBCSOMALI

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: