Taxanaha shirarkii looga hadlay doorashada iyo heshiisyadii laga gaaray ee aan la fulin (Akhriso)

HomeWararka

Taxanaha shirarkii looga hadlay doorashada iyo heshiisyadii laga gaaray ee aan la fulin (Akhriso)

Shirarkii Dhuusamareeb 1,2 3 iyo kii Muqdisho ee 17 September marba marka ka dambeysa waxaa is bedel ku imaanayay go’aamo la gaarayay, fulintooda inta

Qaramada Midoobay oo jawaab ka dalbatay Itoobiya
Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo cRaxmaan Yamani (dhegayso)
Faysal Rooble: Qalbidhagax iyo Go’aanka Baarlamaanka iyo Waliba Gaas iyo P&O Ports (dhegayso)

Shirarkii Dhuusamareeb 1,2 3 iyo kii Muqdisho ee 17 September marba marka ka dambeysa waxaa is bedel ku imaanayay go’aamo la gaarayay, fulintooda inta la gaarinba shirba shirkii ku xigay ayaa burinayay wixii ka gaaray.

1- Shirkii Dhuusamareeb 1 oo ay kaliya ku koobnaayeen Dowlad Goboleedyada waxay u yeereen Madaxda Dowladda Federaalka oo ay shir ugu baaqeen, iyagoo soo jeediyay in la qabto doorasho raalli laga wada yahay, waxay meesha k saareen in aanay doorasho qof iyo cod dhici karin

2- Shirkii Dhuusamareeb 2 oo socday 19-22 July inkastoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre uu ku baxay shirkaas, ayna aheyd waxyaabihii uu eersaday ayaa haddana waxaa xusid mudnaa in damicii Madaxweyne Farmaajo ee doorasho qof iyo cod ee ku hoos qarsanaa muddo kororsiga oo meesha ka baxay, waxaa la isku raacay doorasho waqtigeeda ku qabsoonta, in la sameeyo Guddi Farsamo oo ka baaraan dega hannaanka iyo habsami u socodka nooca doorashada in muddo labo todobaad shir kale la isugu yimaado Dhuusamareeb.

3- Shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa la qabtay 17-22 Agosto, iyadoo uu markaan ka maqnaa Xasan Cali Kheyre oo xilka laga riday July 25, wuxuuna horay uga qeyb galay Shirkii Dhuusamareeb 2.

Shirka Dhuusamareeb 3 waxaa goobjoog ka ahaa oo kaliya Madaxweyne Farmaajo iyo Saddexda Dowlad Goboleed Galmudug oo martigelisay, Hirshabelle, Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, iyadoo ay ka baaqsadeen Puntland iyo Jubbaland oo shirkaas ka soo qeyb gelin, waxaa shirka laga soo saaray war murtiyeed ay ku heshiiyeen Madaxweyne Farmaajo, Madaxda Galmudug, Hirshabelle iyo K/Galbeed oo ah in dalka ka dhacdo Doorasho dad-ban, isla markaana ay ka dhacdo afar deegaan doorasho in 301 ergo ay soo doorato kursi kasta, inkastoo Puntland iyo Jubbaland ay qaadaceen oo aanay heshiiskaas qeyb ka aheyn.

4- Shirka Muqdisho 17 September oo ay isugu yimaadeen Madaxda dowladda Federaalka, shanta dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir waxaa lagu heshiiyay hannaan doorasho oo ka duwan kii Dhuusamareeb 3, Waxaa Xildhibaannada soo dooranaya 101 Ergo Maamul Goboleed kasta labo deegaan doorasho, in Qorshaha doorashada ay bilaabato 1 November 2020.

Haddaba iyadoo heshiis kasta oo doorasho la gaaro oo aan la fulineyn ayaa haddana heshiis kale lagu sii dul gaaraa, Shirka Dhuusamareeb 4 ma waxa uu noqon doonaa mid lagu gaaro heshiis cusub oo wax ka bedel u noqda heshiiskii September 17, malaga yaabaa in halkii uu labo deegaan doorasho ka ahaa inuu hal deegaan ku soo koobmo, 101 Ergo ma waxaa lagu bedeli doonaa 51 Ergo ee sanadkii 2016?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: