Taliyihoo hore ee ciidanka asluubta Puntland Gen. Cali Nuur Cumar oo geeriyooday.

HomeWararka

Taliyihoo hore ee ciidanka asluubta Puntland Gen. Cali Nuur Cumar oo geeriyooday.

Eebbe ha u naxariistee waxaa dalka Hindiya ku geeriyooday taliyihii hore ciidanka asluubta Puntland Gen. Cali Nuur Cumar oo muddooyinkii dambe xanuusa

Wasiirka Maaliyadda Puntland oo digniin u diray dad diidan banaynta dhulka dowladda.(Daawo)
Shacabka Kunool Degmada Shaxda oo Codsi u Diray Dowladda Puntland (dhegayso)
Barakac xoogan oo ka socda Boosaaso (daawo)

Eebbe ha u naxariistee waxaa dalka Hindiya ku geeriyooday taliyihii hore ciidanka asluubta Puntland Gen. Cali Nuur Cumar oo muddooyinkii dambe xanuusanaa.

Gen. Cali Nuur Cumar ayaa muddo dheer ka tirsanaa ciidamada Puntland, ahaana sarkaal sare oo xilal kala duwan soo qabtay, intii badnaydna ahaa taliyaha ciidamada asluubta Puntland.

Dhammaan xukuumadihii soo maray Puntland waa uu la soo shaqeeyey laga soo bilaabo bilowgii dhismaha dawladeed ee Puntland ee sannaddii 1998-dii.

Dalka Hindiya ee uu ku geeriyooday Jananku, waxaa loo geeyey xaalad caafimaad oo la soo daristay, halkaasi muddooyinkii dambe lagu tacaalayey xaalkiisa.

Dadka aqoonta fiican u lahaa Alle ha u naxariistee Gen. Cali Nuur Cumar, waxay tilmaameen in uu ahaa nin leh khibrad durugsan iyo waayo aragnimo dheer oo xagga ciidamada, isagoo horay uga soo mid ahaa saraakiishii ciidamadii hore ee Soomaaliya siiba dawladdii millatariga ahayd.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0