Barakac xoogan oo ka socda Boosaaso (daawo)

Barakac xoogan oo ka socda Boosaaso (daawo)

Dadkii ugu badnaa ayaa waxaa ay weli ka barakacayaan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halkaas oo Maalintii Saddexaad oo xiriir ah ay ku dagaalamayaan Ciidamada Puntland iyo kuwa taageersan Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF.

Waxaa Magaalada Boosaaso iyo daafaheeda lagu arkayaa dad barakacaya, kuwaas oo Gaadiid wata halka kuwa aan awoodin ay lugeeynayaan, si ay uga badbaadaan inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka.

Waxaa fashlintay xabad joojin ay shalay Gelinkii dambe aqbaleen labada dhinac ee Puntland iyo PSF , iyada oo xalay xilli dambe uu dagaal culus ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Dadka barakacaya ayaa muujinaya walaac ku aadan in dagaalka uu sii xoogeysto, waxaana jiray in horay dad farabadan ay uga barakaceen Magaalada Boosaaso.

Daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com