Taliyihii Hore ee Ciidamada Booliska Saacid oo Maanta Xilka iska Wareejiyaay

Taliyihii Hore ee Ciidamada Booliska Saacid oo Maanta Xilka iska Wareejiyaay

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliyed ayaa maanta wareejiyay xilkii uu hayay mudada ku siman lixda bil, kadib xilka qaadistii ay ku sameeyeen Golaha Wasiirada Somaliya Axadii ina dhaaftay.

Munaasabad oo kooban oo duhurnimadii maanta lagu qabtay Dugsiga Tababarka Booliska ee Janaraal Kaahiye ayaa waxaa ka qeybgalay taliyayaasha Ciidamada, Xubno katirsan labada Gole ee Dowladda, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada oo lagu casuumay munaasbaada xil wareejin.

Janaraal C/xakiin Daahi Siciid (Saacid) ayaa xilka si Kumeel gaar ah ugu wareejiyay kuxigeenkiisii koowaad Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax.

Saacid oo haday ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay go’aanka Golaha Wasiirada ee xilka uga qaadeen isaga iyo Taliyihii Nabad Sugida C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe kadib markii ay kordheen weerarada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com