Taliyihii ciidamada DANAB oo xilka laga qaaday Taliye cusubna loo magacaabay

HomeWararka

Taliyihii ciidamada DANAB oo xilka laga qaaday Taliye cusubna loo magacaabay

Taliyihii guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin ayaa xilka laga qaaday, iyadoo loo magacaabay taliye cusub. Ta

Warka Caweysin, Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
“Anigu waxaan bogaadinayaa Muuse Biixi, waxaan ku bogaadinayaa inuu Dhulbahante isbaray,”
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)

Taliyihii guutada 16aad ee kumandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimalik Maalin ayaa xilka laga qaaday, iyadoo loo magacaabay taliye cusub.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa waxaa loo magacaabay Gaashaanle Axmed Cabdilaahi Nuur (beeryare), kaasi oo horay xilal uga soo qabtay Ciidanka Milateriga Soomaaliya.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik ayaa hore shaqo joojin loogu sameeyay waxaana soo baxayay warar sheegayay in arrimo siyaasadeed shaqada looga joojiyay.

Taliyaha Cusub ee Guutada 16 aad Kumandooska Danab Gashanle Axmed Cabdilaahi nuur {beeryare} ayaa ah nin dhalinyaro ah waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay ciidamada milatariga gaar ahaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB.

Sanadkii 2013 ayuu taliyaha cusube Gaashaanle Beeryare ka mid noqday ciidankii dib lagu asaasay ciidan ka kumandooska Danab ee xoogga dalka waxana uuna ka soo qabtay xilal kala duwan sida Taliye Koox, Taliye Hurin, Taliye Saadka, waxa uu tababar ciidan ku soo qaatay dalalka Uganda,Itoobiya, Turkiga iyo Maraykanka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: