Shir ay soo qaban qaabisay Xukuumadda Soomaaliya oo la soo geba-gabeeyay

HomeWararka

Shir ay soo qaban qaabisay Xukuumadda Soomaaliya oo la soo geba-gabeeyay

Shirka Wadatashiga oo ahaa kii labaad oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomalaiya oo ay ka qeyb

Fadlan ka qayb qaado Dayactirka Masjidka Bilaal Binu Rabaax Qardho (Daawo)
Cali Yare Cali:” Farmaajo iyo Reer SSC looma kala warami Karro
Cumar Cabdirashiid: “ Joogitaankayga Imaraadka ma ahaa Midan ku Duminayo Dowladda Farmaajo “ (dhegayso)

Shirka Wadatashiga oo ahaa kii labaad oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomalaiya oo ay ka qeyb galeen Wasiiro ka kala socday Wasaaradaha Tamarta iyo Biyaha ee Maamul Goballeedyada, Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasimeyaasha Waaxyaha ee Wasaaradda, quburro, Aqoonyahanno ku xeel dheer kheyraadka Biyaha iyo Howl-wadeenno ku shuqlan taabagelinta barnaamijka Kheyraadka Biyaha ayaa maanta la soo gabo gabeeyay.

Wadatashigan oo socday saddex cisho ayaa looga doodayay tallooyin ku wajahan hanaanka istaraatijiyadeed, hirgelineed si adeegga biyaha loo gaarsiiyo meelaha aadka ugu baahan adeegga biyo, gaar ahaan deegaannada Goballada dalka.

Mas’uuliyiinta Maamul Goballeedyada oo qaarkood la hadlay Warbaahinta qaranka oo kala ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Muxumed, Wasiirka Biyaha iyo Tamarta Koonfur Galbeed Iimaan Cali Cabdi iyo Axmed Saciid Qolom oo ah Wasiir Ku-xigeenka Tamarta iyo Biyaha ee Puntland ayaa soo dhoweeyay weji labaad ee shirka Wadatashiga Kheyraadka Biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Fowsiyo Maxamed Sheekh oo soo xirtay shirka Wadatashiga oo ay martigelisay Wasaaradda Tamarta ayna ka qeyb galeen Wasiirada Maamul Goballeedyada ayaa sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay gabagabada shirka iyo Qorshaha 5-ta sanno ee la dejiyay oo ay isku raaceen dhamaan dadki ka qeygalay shirka.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: