Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dagaal ka dhacay gobalka Bay

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo ka hadlay dagaal ka dhacay gobalka Bay

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in howlgalo ay ciidamada milatariga ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Bay ay ku dileen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

General Odowaa ayaa sheegay in howlgal ay ciidamada ka fuliyeen meel u jirta 11 km magaalada Diinsoor ay ku dileen illaa 19 dagaalame.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in sidoo kale ay ciidamadu nolosha ku qabteen laba dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab.

Ugu dambeyntii Taliyaha ciidamada milateriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay inay ciidamadu ku guuleysteen burburinta ka saaridda goobihii ay isku uruursanayeen Al-Shabaab ee duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com