Fataahada Wabiga shabeele & khasaaraha uu geeystay oo la shaaciyeey

HomeWararka

Fataahada Wabiga shabeele & khasaaraha uu geeystay oo la shaaciyeey

Fatahaadaha iyo daadadka waa halista ugu weyn ay soomaaliya iminka wajaheyso taas oo ay weheliyaan ayaxa iyo Covid-19. Warbixin ay soo saartay hey’

Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)
Garoowe | Hordhac: Dooda PUNSAA | Doorashooyinka Puntland, Fursadaha, Caqabadaha
Raiisul Wasaarihii hore ee Somalia oo geeriyooday & Dowladda oo ka hadashay

Fatahaadaha iyo daadadka waa halista ugu weyn ay soomaaliya iminka wajaheyso taas oo ay weheliyaan ayaxa iyo Covid-19.

Warbixin ay soo saartay hey’adda OCHA ayaa lagu sheegay in afartii billood ee ugu dambeysay ay fatahaadaha sal kiciyeen Dad gaaraya 341,884 guud ahaan Soomaaliya .

Gobolada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee uu maro Wabiga Shabeelle ayaa ka mid ah meela saameynta xoogga leh ay fatahaaduhu ku yeesheen.

Gobalka Shabeelaha hoose waxaa ku barakacay oo fatahaaddu saameysay 180,133 qof laga soo billaabo bishii July ee sanadka sida lagu sheegay warbixinta OCHA.

Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaguna waxaa fatahaadda Wabiga ku barakacay 131,422. Waxaa sidoo kale burburay dhul beereed baaxad leh gaar ahaan magaalooyinka Afgooye, Balcad, Jowhar iyo Mahaddaay.

Gobolka Hiiraan waxaa ku sal kacay fatahaada Wabiga 28,000 waxaana jirta cabsi laga qabo Wabiga gaar ahaan magaalada Beledweyne oo uu Wabigu leeyahay meelo jilicsan oo uu ka fatahi karo.

Hey’adda FAO waxay sheegtay in cabirka biyaha Wabiga Shaeelle ee dhax mara magaalada Beledweyne uu iminka gaaray 7.5m waxaana ay ka digtay fatahaad hor leh.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: