Taliyaha Ciidanka xogga oo ka hadlay dhacdadi ka dhacday Gololey

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka xogga oo ka hadlay dhacdadi ka dhacday Gololey

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge oo xalay shir jaraa’id ku qabtay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Ciid

Ciidamadda PSF,BMPF iyo guddiga Amniga Puntland oo shir Jaraa’id qabtay (Daawo)
Ra’isul Wasaare Rooble oo ka Tacsiyeeyay Geerida Cabdicasiis Maxamuud Guuleed
Madaxweyne Farmaajo oo ku sugan Magaaladda Carta ee dalka Jabuuti

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jen. Odawaa Yuusuf Raagge oo xalay shir jaraa’id ku qabtay degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in Ciidanka xoogga aysan wax lug ah ku laheyn dhacdadii dadka lagu laayay ee dhowaan ka dhacday deegaanka Gololey ee ka tirsan degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Jen. Odawaa ayaa sheegay in dadka ku eedeynaya inay falkaas ka dambeeyaan Ciidamada ay yihiin dad u adeegaya Cadawga.

“Arrin aad iyo aad u murugo badan ayaa ka dhacday Gololey, Ciidanka xoogga kuma lug laha falkaas, kama suurta gasho ciidanka bulshada ayay u adeegaan ee bulshada ma dilaan, dadka waxaas ka dambeeya waa la garan karaa waa cadawga Umadda Soomaaliyeed ee ku caan baxay leynta dadka”ayuu yiri Jen. Odawaa.

Waxaa uu sheegay inay socdaan baaritaano ku aadan falkaas, isla markaana ay haatan hayaan xogog horudhac ah oo ku aadan falkaas oo ay gacmaha kula jiraan hey’adaha kala duwan ee Amniga.

Hadalka ka soo yeeray Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa ku soo aaday, iyadoo dadka deegaanka ay farta ku fiiqayaan in Ciidamada dowladda ay ka dambeeyaan dhibaatadii ka dhacday Gololey ee lagu laayay dhalinyaradii dhaqaatiirta aheyd ee ka shaqeyneysay xarunta caafimaad.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: