Ra’isul Wasaare Rooble oo ka Tacsiyeeyay Geerida Cabdicasiis Maxamuud Guuleed

Ra’isul Wasaare Rooble oo ka Tacsiyeeyay Geerida Cabdicasiis Maxamuud Guuleed

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo u geeriyooday qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Cabdicasiis waxa uu ahaa saxafi howlkar ah iyo halyey Qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in Marxuum Cabdicasiis Afrika uu Naxariistii janno uu Alle ugu deeqo, annagana uu samir iyo Iimaan Alle naga wada siiyo.

Mudane Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu dhaawacyada Allaah uga baryay in uu deg deg u bogsiiyo.

Qaraxa uu ku geeriyooday Allaha u naxariistee Agaasimihii Radio Muqdisho Marxuum Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Agaasime Sharma’arke Maxamed Warsame oo.ah Agaasimaha Telefishinka Qaranka iyo Cabdiqaadir oo wade u ahaa Agaasimaha, kadib markii uu isku qarxiyay ruux is qarxiyey.

Qaraxa sida ay cadeeyeen Booliska waa Qof qof isku soo xirey waxyaalaha qarxa uu dhinaca uga dhagay gaariga ay saarnaayeen agaasimiyaasha Radio Mogadishu iyo SNTV oo kasoo baxay Maqaayad ay ka casheyeen oo ku taalla dhanka Boondheere.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com