Degmadda Baladxaawo oo dad ugu geeriyoden cudurka covid-19

Degmadda Baladxaawo oo dad ugu geeriyoden cudurka covid-19

Saacadihii la soo dhaafay waxaa degmada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ku geeriyooday dad lagu arkay Calaamadaha Cudurka Coronavirus halka ay weli la jiifaan dad soddomeeyo kor u dhaafaya,kuwaas oo kamid ah dadka Magaalada.

Dhaqaatiirta ku sugan degmada Beled-Xaawo qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen in saacad walba Isbitaalka Magaaladaasi la geynayo dad lagu arkay Calaamadaha Cudurka halka kuwo kale ay u geeriyoodeen.

Dr Axmed Cadow Maadeey oo ah u qeybsanaha Caafimaadka ee degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay in ilaa iyo lix ruux ay geeriyodeen 29 kalena ay jiifaan kuwaas oo lagu arkay Calaamadaha COVID-19, hayeeshee aan baaritan lagu sameyn.

Waxaa uu sheegay in degmada uusan oolin qalabka lagu baaro Cudurka Coronavirus,hayeeshee shaki laga qabo badankood maadaama lagu arkay Calaamadaha lagu yaqaano Coronavirus.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay Dr Axmed Cadow Maadeey inay degmada Beled-Xaawo la soo gaarto gurmad Caafimaad oo deg deg ah si wax looga qabto dadka magaalada.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com