Taliyaha Ciidanka xogga oo digniin Cusub u diray Ciidamadda Dowladda

HomeWararka

Taliyaha Ciidanka xogga oo digniin Cusub u diray Ciidamadda Dowladda

Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska ciidanka xooga dalka ayaa waxa ay bilaabayaan dib u howlgalinta xarumihii ciidamada ee gobolada dalka. Wasiirka

Raysal Wasaare Khayre iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo maanta dalka ka ambabaxay (sawiro)
Ciidanka DANAB oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab
Madaxweynihii hore ee Koonfur oo isu dhiibay Booliiska

Wasaarada Gaashaandhiga iyo Taliska ciidanka xooga dalka ayaa waxa ay bilaabayaan dib u howlgalinta xarumihii ciidamada ee gobolada dalka.

Wasiirka Gaashaandhiga iyo qaar ka mid ah Taliyeyaasha ciidamada ayaa shalay koormeeray talisyada ciidamada ay ku leeyihiin gobolka shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya General C/weli Jaamac Gorod ayaa sheegay in aysan aqbali doonin askari dhibaateynaya shacabka.

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada ka howlgala gobolada dalka looga baahan yahay iney dhaca iyo dhibaatada ka joojiyaan shacabka.

Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Cali Xasan (Amar dambe) ayaa sheegay in ay dib u howlgelinayaan xarumihii ciidamada ee gobolada dalka, Waxa uu tilmaamay in ay joogteynayaan xuquuqda ciidamada dibna u howlgelinayaan xarumihii ciidamada.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Taliyeyaasha ciidamada iyo xubnaha guddiga difaaca ee golaha shacabka ayaa maalmihii dambe koormeer ay ku sameynayay xarumihii ciidamada ee gobolada dalka iyo duleedka Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: