Ciidanka DANAB oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

HomeWararka

Ciidanka DANAB oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16-aad ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyey degaanka yaaq beri

MAANHADAL & Dhuusamareeb: Midowga Galmudug iyo Ahlu-Sunna (dhegayso)
Weerar kadhacay Shabeelada Dhexe
Eng.Yarisow “Waxaan uga mahadcelinayaa wadaniyadda bulshada G.Benaadir oo gutay waajibaadka Dastuuriga ah ee bixinta qaaraanka Qaranka”

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 4aad Guutada 16-aad ayaa howlgal qorshaysan ka sameeyey degaanka yaaq beriweyne oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka Hawlgalka ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayay ammaanka Degaanka, waxaana Ciidamadu ay sameeyeen baaritaano gurguri ah si looga hortago falalka Amni darro oo ay qordheeyeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska DANAB ayaa sheegay inay ka goan gacan tahay inay la dagaalamaan Al-Shabaab gacana ku caawiyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa iyo inta ay ka saarayaan degaannada hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidanka kumaandooska DANAB ayaa howlgallo kala duwan inta badan ka sameeya Gobolka Shabeellaha Hoose, iyaga oo mararka qaar dagaal la gala Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: