Madaxweynihii hore ee Koonfur oo isu dhiibay Booliiska

Madaxweynihii hore ee Koonfur oo isu dhiibay Booliiska

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa isu dhiibay booliiska si uu u bilaabo xukun xabsi ah oo ku saabsan quursiga maxkamadda.

Waxaa loo kexeeyey xabsi ku dhow gurigiisa oo ku yaal gobolka KwaZulu-Natal goor dambe oo Arbacadii ah, sida ay sheegtay hay’addiisu.

Booliska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xiraan 79 jirkaan haddii uusan isa soo dhiibin isla maalintaas.

Mr Zuma ayaa toddobaadkii hore lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ka dib markii uu ku guurdarraystay in uu ka qayb qaato baaritaan musuqmaasuq.

Xukunka ayaa dood sharciyeed oo aan horay loo arag ka dhaliyey Koonfur Afrika, ayadoo waqti kama dambays ah loo qabtay soo xiritaanka Zuma oo ku aaddanaa Arbacadii 22:00 GMT.
Waqtiga loo qabtay ayaa lagu soo rogay ka dib markii Mr Zuma uu diiday inuu is dhiibo Axadii.

“Madaxweyne Zuma wuxuu go’aansaday inuu u hogaansamo amarka xiritaanka,” ayaa lagu yiri qoraalkiisa oo kooban.

Gabadhiisa, Dudu Zuma-Sambudla, ayaa goor dambe ku qortay Twitter-ka in aabaheed “uu ku sii jeedo (xabsiga) xaaladdiisuna ay aad u fiican tahay”.

Mr Zuma waxaa loo xukumay 15-bilood oo xarig ah 29-kii June kadib markii uu ka horyimid awaamiirtii la siiyay ee ahayd in uu cadeyn ka bixiyo baaritaanka musuqmaasuqa sagaalkii sano ee uu xukunka hayay.

Ganacsatada ayaa lagu eedeeyay inay shirqooleen siyaasiyiinta si ay saameyn ugu yeeshaan hanaanka go’aan qaadashada intii uu xafiiska joogay. Balse Mr Zuma wuxuu dhowr jeer ku celceliyay inuu dhibane u yahay shirqool siyaasadeed.

In kasta oo uu xisbigiisa ka saaray xafiiska 2018, African National Congress (ANC), haddana wuxuu heystaa koox daacad u ah taageerayaashiisa, gaar ahaan gobolka uu ka soo jeedo ee KwaZulu-Natal.

Taageerayaashiisa ayaa gurigiisa ku soo xoomay ka dib intii uusan is dhiibin Arbacadii.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com