Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliya oo Maraykanka kula kulmay Madaxda Xsibiga Dimuqraadiga

Somalia, December 05, 2015-(Daljir)_Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo booqasho kumaraya magaalooyin katirsan dalka Maraykanka ayaa lakulmay saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiin sarsare oo katirsan kuwa Maraykanka.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dhammaan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii uu kulamada laqaatay kala hadlay ka qaybgalka horumarinta ciidamada booliska Soomaaliya iyo wanaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Maraykanka.

Ilaa hada taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed dadka uu lakulmay waxaa kamid ah xildhibaanka Muslimka ah ee golaha Congress-ka Maraykanka sida weyn looga qadariyo Mudane Keith Ellison iyo xubno kale oo katirsan aqalada dalka Maraykanka.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com