Kulamadii ka Dhacay Baraxley iyo waxyaabihii looga Hadlay

Somalia, December 05, 2015-(Daljir)_ Wafdigii ka socday dawlada federalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Puntland,Jubbaland,Galmudug iyo raysal wasaraha Soomaaliya ayaa kulan uga socdaa Hotel Five Star ee Magaalada Gaalkacyo waxaana kulankaasi looga hadlayaa sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Kulankan ka socda Hotelka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah Waxgaradka iyo Culimada Puntland iyo Galmudug iyagoo inta badan shirkaasi lagu lafa gurayo sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada Puntland iyo Galmudug.

Kulankan ayaa ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay Ciidamada labada maamul xoogaa lakala qaaday oo dib loogu soo kala fariisiyey kadib markii labadaasi ciidan ay horay isugu jeedeen ama isu hor fadhiyeen.

Colaadii ka dhacday magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku barakacay illaa afartan kun oo qoys, halka dad fara badan ku dhinteen, kuwa kalena ku dhaawacmeen, kuwaasoo rayid iyo dhinacyadii dagaalamayay ka mid ahaa waxaana saaka dagan xaalada magaalada oo nabad ku waabiriisatay.

 By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com