HomeUncategorized

Taliyaha Booliska Metro Transit ee dalka Maraykanka oo booqasho ku jooga Soomaalia

Sabti, Agoosto 01, 2015 (Daljir) — Taliyaha Boliska Metro Transit ee dalka Maraykanka, John Harrington ayaa maalintii Khamiista booqasho muddo isbuuc ah ku yimid magaalladda Muqdisho.

Mudanayaasha baarlamaanka Puntland oo ansixiyey miisaaniyada dawlada ee 2009.
DHEGEYSO-Maamulka gobolka Karkaar oo ka warbixiyey roobabkii gobolka ka da’ay.
DHEGEYSO-RW Soomaaliya oo maalintii labaad kusugan Boosaaso.

Sabti, Agoosto 01, 2015 (Daljir) — Taliyaha Boliska Metro Transit ee dalka Maraykanka, John Harrington ayaa maalintii Khamiista booqasho muddo isbuuc ah ku yimid  magaalladda Muqdisho.

La-taliyahaasi ayaa safarkiisalagusheegay sidii uu Taliska Hawlgalka AMISOM u siin lahaa tababaro laxiriira La-dagaalanka Alshabaab iyo Xoojinta Sharciga.

Idaacadda MPR ee dalakaMaraykanka ayaa sheegtay inuu John Harrington kulamo la yeelan doono Madaxda Dowladda Federalka iyo sidii loo xoojin lahaa Hay’addaha Xoojinta Sharciga ee Somalia iyo kuwa Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Waxa uu shalay la kulmay Taliyaha Boliska Somaaliyeed, Mohamed Sheikh Hassan Xaamud.

Waxa kaloo u qorsheysan  inuu  Boliska Somalia siiyo tababaro la xiriira soo-celinta Sharciga iyo La-dagaalanka Alshabaab.

Taliyaha Boliska Metro Transit ee dalka Maraykanka, John Harrington ayaa ah Sarkaalkii ugu horreyey ee ka socda GobalkaMinnesota ee booqasho ku yimaada dalka Somalia.

Saddex Alfle Waxiid Siraaj oo ah Somal-Maraykan ka tirsan Boliska Metro Transit Police ayaa u gogol-xaaray Safarka Taliyaha Boliska Metro Transit ee dalka Maraykanka, John Harrington, waxaana soo qabanqaabisay  Hay’adda Horumarinta Brancroft Global Developlment oo ah Koox ay maalgeliso Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka.

Hay’adda Brancroft Global Development waxay Hawlgalka AMISOM kala taliyaan Dagaalka ay kula jiraan Xarakadda Alshabaab.

Dhinacakale, Taliyaha Boliska Metro Transit ee dalka Maraykanka, John Harrington Waxay booqashadiisa ku soo beeganatay  iyadoo ay Soomaalida deggan Minnesota bilaabeen inay ku biiraaan Hay’addaha Xoojinta Sharciga ee dalka Maraykanka.

Bishii April ee la soo dhaafay, Khadra Mohamed ayaa ku biirtay Boliska Maraykanka, waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo Somali ah oo Sarkaalad Bolis ka noqota dalka Maraykanka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: